Luuqad xun

Caadi ahaan, af-lagaado, iyo tixraacyo taban oo ku saabsan cudurrada dhimirku waxay noqdeen wax caan ka ah dhaqankeenna. Inta badan, dadku kuma talagalaan wax dhibaato ah marka ay isticmaalaan, laakiin xaqiiqadu waxay tahay, waxay waxyeello u geysan karaan dadka qaba cudurrada dhimirka.

Guji xigasho kasta si aad u maqasho tusaalooyinka dhabta ah ee saamaynta ay ereyadu yeelan karaan.

Erayada tilmaamaya cudurka dhimirku si taban ama si xushmad darro ah waxay ka dhashaan ceebta lagu hayo cudurrada dhimirta isticmaalkooduna wuxuu adkeeyaa in laga gudbo ceebtaas. Oo, haddii isticmaalkoodu uu qofna dareemo raaxo-darro, murugo, ama xanaaqo, xitaa marka taasi aysan ahayn ulajeedka, jawaabta ixtiraamka leh waa in la joojiyo isticmaalka faallooyinkan.

X
Loading